Jabuuti oo diiwaangelisay kiisas cusub oo COVID-19 ah

Waxaa dalka Jabuuti laga diiwaangeliyay kiisas cuusb oo ku aadan xanuunsidaha Coronavirus, iyadoona ay korortay tirada guud ee dalkaasi laga diiwaangeliyay.

Tan iyo bishii March ayaa waxaa dalka Jabuuti laga diiwaangeliyay 30 kiis oo Coronavirus la xiriira, xilli dadka laga helay ay ku sugan yihiin dalkaasi.

War qoraala oo gelinkii dambe ee Talaadadii, ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa lagu sheegay in shan qof laga helay xanuunkaasi, markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay 195 qof.

Shantan kiis ee ugu dambeeyay, lagana xaqiijiyay dalkaasi ayaa la sheegay in saddex ka mida la isku gudbiyay, halka labada kalena ay yihiin xaalado cusub.

Sidoo kale waxaa warka lagu sheegay in xaaladda dadkaasi ay tahay mid degan.

Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa dadweynaha kula talisay in ay texgeliyan talooyinka caafimaadka, ee ku saabsan ka hortagga cudursidaha Corona.

Dalka Jabuuti ayaa toddobaadkii hore lagu soo rogay bandow habeen iyo maalin ah, kaasoo socon doono illaa 9-ka bishan, waxaase suurtagal in mudadaasi la kordhiyo.

Faallooyin