Doorashada Guddoonka Baarlamaanka KG oo maanta ka dhaceysa Baydhabo

Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay Magaalada Baydhabo ku doortaan Guddoonka Baarlamaanka.

Musharaxiinta kala ah Xildhibaan Cali Saciid Fiqi, Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur, Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed, Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed iyo Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow ayaana u kala sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo jegada Gudoomiye Kixigeenka 2aad.

Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur ayaa u sharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanad Aamina Isaaq Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed u taagan yihiin jegada Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, halka Xildhibaanad Shamso Maxamed Yarow oo qura, ay isu soo sharaxday Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo dhawaan iska casilay Danjiraha Somaliya ee Midowga Yurub ayaa ugu cadcad kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa waxay hadalhayan in Xildhibaan Fiqi loo dooran doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Faallooyin