Xildhibaan Shaacir Sheegow oo is casilay

Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Labaad ee Galmudug ayaa iska casilay xubnimadiisii Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed ayaa warqadda istiqaalada waxaa uu la wadaagay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Xildhibaan Shaacir Sheegow oo sidoo kale la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyay in uu xilkaasi iska casilay.

Xildhibaan Sheegow ayaa tallaabada uu isu casilay waxaa uu ku sheegay arrimo isaga u gaar ah, waxaana uu meesha ka saaray in lagu khasbay is casilaadiisa.

Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa labaatankii xubnood ee Ahlu Sunna laga siiyay Baarlamaankii bishii January lagu dhisay Magaalada Dhuusamareeb. 

Faallooyin