Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday Taliye Kuxigeenkii Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Cali Bariise.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) ayaa caawa tebisay in Madaxweynaha Somaliya uu xilkii ka xayuubiyay Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Xoogga Dalka.

SONNA warka kuma kala cadayn in Madaxweynuhu uu Taliye Kuxigeen kale soo magacaabay iyo in kale, balse waxay xil ka qaadistiisa ku sheegtay, markii uu Madaxweynuhu arkay baahida loo qabo tayaynta iyo qalabaynta joogtada ahi ee Ciidanka Xoogga Dalka.

General Bariise ayaa xilkan loo magacaabay 10-kii bishii October ee sanadkii 2019, ka dib digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Faallooyin