Ciidanka Xoogga Dalka oo kaabiga ku haya Degmada Jamaame

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab, ay kaabiga ku hayaan Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa xalay la sheegay inay isaga baxeen Degmada Jamaame, ka dib markii ay ka war helayn guluf xoogan oo kaga soo wajahan Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaano hoos-tagga Degmada Jamaame ayay ka sameeyeen hawlgalo, deegaanadaasina waxaa ka mid ah Maleeley, Baladul Raxma, Bandar Jadiid, Koban iyo Maana Muufo.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay dadka Soomaaliyeed maqli doonaan war farxad leh.

"Hawlgalka si dardar leh oo wanaagsan ayuu ku socdaa, waxaana rajeynaya haddii Alle idmo, waqtiyada inagu soo aadan warka hadda aan umadda Soomaaliyeed u sheegeyno war ka sii farxad badan inuu soo siyaado." Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland.

Gulufka xoogga badan ee Ciidanka Xoogga Dalka uu ugu dhaqaaqay Degmada Jamaame ayaa timid, ka dib labadii weerar ee shalay ka kala dhacay Xerada Ceel Saliini iyo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Faallooyin