Maamulka Gobolka Banaadir oo waddo furis ka bilaabay Muqdisho (SAWIRRO)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta waddo furis ka sameeyay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir, iyadoo tanina ay bilow u tahay qorshaha dib loogu furayo wadooyinka xiran qaarkood.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Arbacadii shalay waxaa uu waddo furis ka sameeyay Waaxda Afaraad ee Degmada Dharkiinley, taasoo dadka deegaanku uu soo dhaweeyay.

Hawlgalka waddo furista ayaa maanta laga sameeyay wadooyin dhex mara xaafadda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda.

Ciidamada Booliska ayaa saakay burburiyay goobo sharci-darro ah oo wadada hareeraheeda laga dhistay, waxaana ganacsatada looga digay inay ganacsi ka samaysteen dhulka danta guud.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa soo kormeeray wadooyinka la furay iyo goobaha la burburiyay.

"Hawlo kormeer ah ayaan maanta ku tagnay Waaxda Xamar Bile ee Degmada Warta Nabadda, halkaas oo laga fuliyay hawgal lagu furayay dhawr waddo oo dhexmarta xaafadda Xamar Bile, si loo xoojiyo isu socodka gaadiidka iyo bulshada iyo sidoo kale xasiloonida degmada." Ayuu yiri Tuulax.

Tuulax ayaa tilmaamay in la sii wadi doono waddo furista uu Maamulka Gobolka Banaadir ka bilaabay Magaalada Muqdisho, waxaana uu digniin u jeediyay dadka wadada dhinaceeda dhistay.

Faallooyin