Beyle oo ka qaybgalay bandhigga warbixinta canshuuraha ee berriga (SAWIRRO)

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qaybgalay bandhigga warbixinta sanadlaha ee canshuuraha berriga ee 2020.

Wasiirka ayaa sheegay in dakhliga ka soo xerooday Canshuuraha berriga uu kordhay Sanadihii ugu dambeeyay, maadaama dedaallo dheeri ah ay wasaaraddu ku bixisay.

“Is bedelka faa’idada badan waxaa sabab u ah sharciyadii aan meel marinay, wecyigelin bulsho iyo wada shaqayn wanaagsan oo aan la leenahay canshuur bixiyaha dalka." Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

“Dalkeena waa inaan ku dhisanaa maalkeena iyo dhididkeena.” Ayuu yiri Wasiirka oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barraha bulshada.

Faallooyin