Laamaha ammaanka oo shan qof ku xiray Degmada Wadajir

Ka dib hawlgal ballaaran oo laamaha amnigu ay ka sameeyeen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayay ku soo qabteen shan qof, oo falal amni-darro lala xiriirinayo.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali, Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo hawlgalkaasi ka dib Saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay shan nin, oo amni-darro lala xiriirinayo.

Gudoomiyaha ayaa yiri "Hawlgalka waxaa hadda lagu soo qabtay dad ay tiradoodu gaareyso illaa shan qof oo looga shakiyay inay wadaan falal amni-darro ah, waana la baarayaa."

"Wuxuu noqon doonnaa hawlgalka laga samaynayo Degmada Wadajir mid joogto ah, haddii ay ahaan lahaayen qoladaan hadda soo batay ee mindileyda ah."

"Hooyo kasta iyo aabe kasta waxaan fareynaa inuu wiilkiisa kala baxo xaaladda uu ku jiro, haddii ay fariintaas ka jawaabi waayaana qof kastoo lagu qabto xaalad amni-darro waxaa la marsiin doonnaa si sharciga waafaqsan oo sharcigaa la horgayn doonnaa." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

"Waxaan rabaa inaan baaq u diro nimanka hubeysan, ha ahaadaan militari ama ciidamada noocyadooda kala duwan xabadaha sida maalaa-yacniga ugu qalqal-gelinayo bulshada haka waan-toobaan, xabad aan cadowga lala beegsanayn."

Faallooyin