Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo soo xirmay (SAWIRRO)

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa maanta u bilowday fasax muddo afartan maalmood ah, ka dib muddo afar bilood ah oo ay si toos ah ugu shaqaynayeen Magaalada Muqdisho.

Kalfadhiga 6aad oo furmay 19-kii bishii October ee sanadki 2019 ayay Xildhibaanada ku shaqo bilaabeen Xaruntooda cusub, ee ku taala Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia).

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ku dhawaaqay inuu soo xirmay Kalfadhigii 6aad ee Golaha Shacabka, ka dib kulan uu kooramkiisu ku furmay 144 mudane oo Xildhibaanadu yeesheen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in habeen dambe la qaban doono xaflad lagu soo xirayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka furmi doonnaa 1da bisha April, Xildhibaanadana uu xusuusinayo in Kalfadhiga 7aad ay shaqadiisu ka cuslaan doonto midka maanta u soo geba-gaboobay. 

Faallooyin