Maamulka Degmada Qoryooley oo farriin xasaasiya u diray Madaxda Qaranka

Maamulka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa maanta baaq u diray Madaxda Dowladda Somaliya, taasoo taageero lagu siinayo ciidanka ku sugan degmadaasi.

Cabdi Axmed Cali, Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Qoryooley ayaa sheegay inaanay Degmada Qoryooley joogin wax ciidan ah, oo ay leedahay Dowladda Somaliya, ha yeeshee ay jooggaan ciidan deegaanka oo is abaabulay.

"Qoryooley ciidamo dowladeed ma jooggaan, Ciidamadii Dowladda waxay ka guureen bishii March ee sanadkii 2015. Qoryooley waxaa jooggo ciidamo deegaanka u dhashay oo soo uruuriyay hantidooda iyo xoolahooda inay deegaanka difaacdaan, oo cadowga Soomaaliyeed inay iska dhiciyaan diyaar u ahaa jooggo, oo xuquuqda aysan dowladda siinin." Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Qoryooley.

Madaxda Dowladda iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayuu ugu yeeray inay qalab iyo xuquuqba siiyaan ciidanka deegaanka, haddii kalena ay ka soo saari doonaan degmadaasi.

"Waxaan farriin ugu dirayaa Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha, Taliyaha Ciidanka Xoogga, ciidankaas haddii la qalabayn waayo, oo xuquuqdooda la siin waayo waan ka soo bixinaynaa magalaada, ha qabsadaan Al Shabaab." Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka.

Hadalka Gudoomiye Kuxigeenka ayaa ku soo aadaya, saacado yar uun ka dib, weerarkii xooganaa ee ay saakay degmadaasi ku qaadeen maleeshiyada Al Shabaab, kuna burburiyeen buundada weyn ee dhanka koonfureed ee Qoryooley ku taala.

Faallooyin