Shabaab oo rakaab ku laayay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa markale maanta waxay weerar lala bartilmaameedsaday gaari rakaab siday, ay kula eegteen Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Shabaabka oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysnaa ayaa gaarigan u galay deegaanka Baniisa, oo hoos-tagga Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Inta la'ogyahay afar qof ayay ku dileen weerarkaasi, halka shan kalena ay ku dhaawaceen. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in khasaaruhu uu intaa ka badan karo.

Saraakiisha Booliska Mandhera ayaa ciidan gurmad ahaa u diray deegaanka uu weerarku ka dhacay, si loogu gurmado rakaabkii ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi.

Onesmus Kyatha, Taliyaha Booliska Mandhera ayaa sheegay in ay dib Warbaahinta uga soo faah faahin doonaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, kolka ay ciidamadu soo geba-gabeeyan hawlgalka socda.

Baska la weeraray oo rakaabka ka qaaday Degmada Mandhera ayaa ku sii jeeday Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Shabaabka hubeysan ee dagaalama Somaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada uu ka gaysanayo gudaha dalka Kenya.

Faallooyin