Faah faahin: Laba weerar oo ismdaamin oo ka dhacay Shabellaha Hoose

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa maanta laba weerar oo ismiidaamin ahaa ka gaystay Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay siyaabooyin kala duwan uga gaysteen Degmada Qoryooley iyo Xerada Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Ceel Saliini, oo ku dhow deegaanka Nambar Lixdan.

Ismiidaaminta hore ayaa bilow u ahayd weerar abaabulan oo Shabaabku ay muddo kooban kula wareegeen Xerada Ceel Saliini, halkaasoo uu dagaal qaraar ku dhex maray Ciidamada Dowladda.

Weerarkaasi mid kaloo xigay oo ismiidaamin ku bilowday ayay Shabaabku ku galeen Degmada Qoryooley, iyagoona in muddo ahba kula dagaalamaayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom.

Intii uu weerarku socday ayay Shabaabku burburiyeen buundada weyn ee Degmada Qoryooley, ka dib markii ay qarax xoogan ku xireen.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa ka hortagay inay Shabaabku burburiyaan buundada labaad ee Degmada Qoryooley.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ururka Al Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalada xoogan ee maanta ku dhex maray Gobolka Shabellaha Hoose.

Faallooyin