Mareykanka oo cambaareeyay dilkii Wariye Cabdiweli Cali Online

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay cambareysay dilkii fiidnimadii Axada Wariye Cabdiweli Cali Xasan (Online) loogu gaystay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ayaa tacsi u dirtay qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay Wariyaha, oo kooxo hubeysani ay ku toogteen xaafadda Xaawo Taako.

Qoraal maanta ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay inuu Wariyuhu ahaa mid madaxbannaan, una shaqaynayay Universaltv iyo Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in beegsiga iyo dilalka ka dhanka ah dadka Warbaahinta ka shaqeeya, oo shaqadoodu tahay in ay warka gaarsiiyaan, waxna baraan bulshada inay tahay mid ay Al Shabaab dooneyso inay ku aamusiiso codka Soomaaliyeed.

Safaaraddu waxay bogaadisay shaqada hufan ee ay Wariye-yaasha Soomaaliyeed u hayaan shacabkooda, inkastoo ay garowsan tahay culeyska iyo halista ay ku shaqeeyaan.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ku leeyahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, si ay u difaacaan xoriyadda lama taabtaanka ah ee Saxaafadda iyo midda hadalka, waxaana Soomaalida loogu baaqay in la soo afjaro dhaqanka rabshadaha iyo weliba nabadgelinta kuwa wax dila, ee gacanta sharciga ka baxsada.

Faallooyin