Dowladda oo maanta ciidan qaas ah geysay Degmada Beled Xaawo

Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ay Dowladda Somaliya geysay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Ciidamadan oo diyaarado looga qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu geeyay Gobolka Gedo, waxayna ku biirayaan boqolaalkii askari ee horey Dowladda Somaliya uga joogay degmadaasi.

Dowladda Somaliya ayaa afartii bishan Degmada Beled Xaawo geysay boqolaal askari oo ka kala tirsan Ciidamada Gorgor ee Militariga iyo Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Tani ayaa waxay imaanaysaa, xilli boqolaal ka mida Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay ku sugan yihiin duleedka Degmada Beled Xaawo.

Villa Somalia ayaa iminka u muuqato inay muruq iyo maalba isugu geynayso Gobolka Gedo, ka dib marki la sheegay inuu xabsiga ka baxsaday Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland.

Jubbaland ayaa waxay Dowladda Federaalka kol hore ku eedeysay in ay Gobolka Gedo ka go'doomineyso Jubbaland, inteeda kale.

Faallooyin