Nabadoon Maxamed Ooye Ibraahim oo lagu dilay Degmada Buurhakaba

Nabadoon Maxamed Ooye Ibraahim oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Baay ayaa waxaa maanta lagu dilay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Nabadoon Maxamed Ooye Ibraahim ayaa waxaa toogasho ku dilay rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaa oo qaarka kore ee jirkiisa ka beegsaday.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay sidii caadada ahaydba inay raggaasi ka baxsadeen goobtii ay dilka ka gaysteen, oo mar dambe ay gaareen Ciidamada Booliska.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay degmadaasi ka wadaan baaritaano la doonayo in lagu soo qabto xubnihii dilkaasi ka masuulka ahaa.

Illaa iyo hadda lama garanayo ujeedada ka dambeysa dilka ninka odayga ah, mana jirto cid sheegatay tallaabada guracan ee lagu dilay.

Faallooyin