Muuse Biixi oo sheegay inaanu Farmaajo imaan karin Hargeysa

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka hadlay wararka sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho ku imaan doono Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in arrintani kol hore lagu soo hadalqaaday, balse uu isagu iska diiday booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Somaliland.

Madaxweynaha oo maanta khudbad u jeediyay Goleyaasha Somaliland ayaa cadeeyay inaanay ogolaan doonin in Madaxweynaha Somaliya uu soo booqdo Somaliland, isagoo taasi ku sababeeyay dhibaatadii Somaliland kol hore loo gaystay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu soo hadalqaaday raaligelintii uu toddobadkii hore Madaxweynaha Somaliya ka bixiyay dhibaatadii ay Dowladdii Dhexe ka gaysatay Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xusay inay raaligelintan lama fillaan u ahayd Somaliland, isla-markaana uu soo dhaweynayo raaligelintaasi uu Farmaajo siiyay shacbiga reer Somaliland.

“Raaligelintii Madaxweyne Farmaajo ee 13-kii bishaan siiyay Somaliland waxa ay igu ahayd arrin kedis ama lama filaan ah, waana soo dhaweynayaa, balse waxa ay ahayd in uu ka reebo halka uu ka yiri dhinacyadii jabhadaha ee hubka qaaday." Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweyne Biixi ayaa meesha ka saaraya wararkii maalmihii ugu dambeeyay, ay dadku isla dhex marayeen, lana xiriiray booqashadii la sheegay inuu Farmaajo ugu kicitami doono Magaalada Hargeysa.

Faallooyin