Taliyihii Saldhiga Wadajira oo si kedis ah xilka looga qaaday

Taliyihii Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir ayaanlama fillaan ahayd xilka looga qaaday, ka dib markii xalay lagu xiray Magaalada Muqdisho.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, markii gelinkii dambe ee shalay madaafiic laga dhex tuuray Degmada Wadajir, isla-markaana ay baxsadeen raggii ka masuulka ahaa. Masuuliyadda weerarkan waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa bixiyay amarka lagu soo xiray Cabdibaasid Maxamuud Cagey, Taliyihii Saldhiga Degmada Wadajir.

Taliska Qaybta Booliska oo su'aalo ka weydiiyay Cabdibaasid sida ay ku suurtagashay in madaafiicdaasi laga soo dhex tuuro degmadii uu amnigiisa ka masuulka ayaa ka bixiyay jawaab aan lagu qancin, loona sheegay in dhacdadaasi dhacday uu xilkiisa ku waayi doono.

Saciid Cali Maxamuud ayaa waxaa durbaba loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wadajir, waxaana magacaabistan sameeyay General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Faallooyin