Dagaal ka soconaya Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in goor dhow uu dagaal ka qarxay magaalada, kaasoo durbaba laga dareemay magaalada.

Dagaalkan ayaa la soo sheegaya in uu u dhaxeeyo Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo ciidan kaloo u daacad ah Cabdinaasir Seeraar Maax, Afhayeenkii hore ee Maamulka Jubbaland.

Bannaanbax uu soo qaban-qaabiyay Cabdinaasir Seeraar Maax oo sanadkii hore sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay wadooyinka Magaalada Kismaayo u xiray wafdi ballaaan oo caalamka ka socda, kuna soo wajahan magaaladaasi, balse ciidanka Cabdinaasir Seeraar ay ka horyimaadeen in adeegsiga wadada loo diido.

Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in dagaalka uu iminka ka socdo Bartamaha Kismaayo, xaaladuna ay tahay mid aad u cakiran.

La-soco wixii ku soo kordha.

Faallooyin