Shirka Garsoorka Dalka oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Shir sanadeedka Garsoorka dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaaladda dalka halka uu marayo.

Sidoo kale sanadkii labaad ayaa shirkan lagu qabanaya magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay hay’adaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa  hay'adda garsoorka dalka, iyadoo  Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada Garsoorka dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa horay u ballanqaaday in hay'adda Garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoonaan karo, waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey'aadaha Garsoorka dalka.

Faallooyin