Wariye sagaal saacadood lagu xiray Gobolka Baay

Wariye Xuseen Cali Geesey ayaa xalay dib u helay xoriyadiisa, ka dib markii maalintii Talaadada lagu xiray Degmada Buurhabaka ee Gobolka Baay.

Wariyaha ayaa waxaa loo xiray oo lagu qabsaday qoraal uu asxaabtiisa kula wadaagay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.

Wariyaha oo looga yeeray Saldhiga ayaa markii uu yimid loo sheegay in uu xarig yahay, iyadoo markaasi loo sheegay in uu u xiran yahay qoraal uu Isniintii soo dhigay bartiisa Facebook.

Wararka ayaa waxay intaa ku darayan in Wariyaha lagu soo sii daayay inaanu markale war liddi ku ah maamulka ku daabici karin Facebook.

Ururada Saxaafadda ee ka dalka ka hawlgala ayaa cambaareeyay dulqaad la'aanta maamulka, ee keentay in xoriyadda laga qaado ninka Wariyaha ah.

Faallooyin