Lafta-gareen oo magacaabay Guddiga Doorashada ee Baarlamaanka Labaad

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta magacaabay Guddiga Soo Xulista ee Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wareegto uu soo saaray ku soo magacaabay Guddiga oo ka kooban toban xubnood.

Guddigan ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Maxamed Keerow Maxamed, iyadoo uu Gudoomiye Kuxigeenku yahay Nuradiin Ibraahim Aadan, halka Aadan Maxamed Cali loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Guddiga.

Saddex ka mida tobankan xubnood ee Madaxweynuhu uu magacaabay oo dumar ah ayaa waxay kala yihiin Amina Cumar Maxamed, Faadumo Maxamed Axmed iyo Caasha Ibraahim Cali.

Faallooyin