Culeys soo wajahay ganacsatada Degmada Beled Xaawo

Ganacsatada Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiisadda ka taagan degmadaasi, ee u dhaxeysa Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Dhiilada colaadeed ee ka taagan Degmada Beled Xaawo ayaa keentay in dadkii deegaanka ay isaga barakacaan guryahooda, mana jirto cid shacabka u ballan-qaaday inay amni ku heli doonaan guryahooda.

Maxamed Mursal oo ka mid ah ganacsatada Degmada Beled Xaawo ayaa sheegay in xaalad aan wanaagsan ay xilligan ka taagan tahay degmadaasi.

Maxamed Mursal ayaa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ku dhaliilay inaanu midkoodna wax naxariis ah u hayn shacabka reer Beled Xaawo.

Ganacsadaha ayaa yiri "Cid u naxeysa shacabka iyo ganacsigaba ma jirto, waa loo soo bareeray in la dhibaateeyo deegaankan, dadkana laga qaxiyo guryahoodii."

"Walaa dowlad baan u tureynin, walaa maamul kalaa u naxeynin, nin kastana dantiisa ayuu fiirinayaa, lama hayo cid hoos u fiirineysa maatidii ku hoos noolleed."

"Laba kala daran mid dooro ayaan hadda mareynaa, inaan nafteena la cararno oo ganacsigii aan ka tagno iyo inaan iska joognoo oo hantideena ku dul dhimano. Wax kale oo ka dhaxeeyaa ma jiraan."

Odayaasha Dhaqanka oo labada dhinac ku kala dhex jiray maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaad mooddaa inay iminka quus ka soo istaageen.

Faallooyin