Shabaab oo markale weerar ka gaystay dalka Kenya (SAWIRRO)

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ayaa waxay Axadii weerar hubeysan ka fuliyeen Gobolka Xeebta ee Kenya, iyagoo markaan beegsaday shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Shabaabka ayaa shaqaalaha shirkaddan ku weeraray, xilli ay ku guda jireen dhismaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Lamu iyo Garsen.

Warbaahinta Kenya ayaa tebisay in shaqaalaha ku hawlan dhismaha wadadaan, ay ka carareen maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii ay ku soo weerareen dhismaha ka socda Milihoi.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Lamu, Irungu Macharia ayaa waxa uu xaqiijiyay in Shabaabku uu dab qabad siiyay laba ka mid aa gaadiidka qaybta ka ah dhismaha wadadaan.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in shaqaalihii dhismaha wadada ay u suurta-gashay inay ka baxsadaan Shabaabkii hubeysnaa, ee soo weeraray, mana jirto buu yiri cid wax ku noqotay weerarkaasi.

Ka hor intii aanay goobtaasi ka tagin maleeshiyada Al Shabaab ayuu Taliyuhu sheegay inay is rasaaseen dhex martay Ciidamada Kenya, sida uu yiri..

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan Gobolada Xeebta iyo Waqooyi Bari ee Kenya.

Faallooyin