Dhuusamareeb oo ay ka socoto qaban-qaabada caleemo saarka Qoorqoor

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya qaban-qaabada loogu diyaargaroobayo caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda.

Shaqaalaha Xafiiska Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa waxay magaaladaasi ka wadaan qaban-qaabada, ay tahay in lagu soo caleemo saaro ninkaasi.

Caleemo saarkan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya, iyadoo la fillayo in Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha uu midkood taggi doono.

Sidoo kale wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynaha kale ee lagu doortay magaaladaasi, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu qudhiisu wado qaban-qaabada xafladda caleemo saarkiisa.

Wariye-yaasha Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in magaalada ay kulamo kala duwan ka kala wadaan masuuliyiinta labada dhinac.

Wararka ayaa intaa ku daraya in sidoo kale ay magaalada ka socdaan dadaalo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Sheekh Maxamed Shaakir iyo Axmed Qoorqoor.

Dhinacyada siyaasadda Galmudug ayaa si weyn isugu khilaafay doorashada Galmudug, ee markeedii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Faallooyin