Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Degmada Beled Xaawo

Inkastoo ay degan tahay xaaladda Degmada Beled Xaawo ayaa waxaa dhinaca kale degmadaasi ka soconaya barakac ballaaran, oo ay ka wadaan dadka deegaanka.

Barakacii ugu xooganaa ayay Axadii sameeyeen dadka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo, iyadoo qoys kasta uu u cararaayo halka uu is leeyahay waad ku nabad heli doontaa.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha waxbarashada iyo ganacsigii degmada, waxaana aad u xadidan dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ee degmadaasi.

Degmada Beled Xaawo ayaa waxaa weli laga dareemaya dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda, ee ay ka kala wadaan Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaan wax damaanad qaad ah ka helin dhinacyada ku hardamaya gacan ku haynta degmadaas, haddii ayba guryahooda isaga nagaan lahaayen.

Taasi bedelkeeda ayaa waxaa isa soo taraya hadalada xanafta leh, ee ka soo kala yeeraya dhinacyada isu haya gacan ku haynta degmadaasi.

Odayaasha Dhaqanka oo labada dhinac ku kala dhex jiray maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaad mooddaa inay iminka quus ka soo istaageen.

Faallooyin