Farmaajo oo kulan la yeeshay R/Wasaaraha Norway (SAWIRRO)

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa xalay Magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra'iisal Wasaaraha Norway, Erna Solberg.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Ra'iisal Wasaaraha Norway kaga mahadceliyya taageerada Norway ee Somaliya.

Sidoo kale kulanka ayay labada dhinac uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ay leeyihiin.

Norway ayaa waxay Somaliya ka caawinaysaa dib u habaynta ballaaran ee lagu wado dhaqaalaha Somaliya.

Sidoo kale Norway ayaa waxay bishii January qalinka ku duugtay afar boqol oo milyan oo dollar, oo ay kaga caawinaysa barnaamijka dayn cafinta ee Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalaya meertada 34aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa ka wada kulamo uu kula qaadanayo dhinacyo kala duwan.

Faallooyin