Fannaanka Cabdi Dhaanto oo lagu xiray Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lagu xiray Fannaanka Cabdi Dhaanto, oo ka mid ah Fannaaniinta degan magaalada.

Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa waxay Fannaanka caawa ka soo qabteen Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa si hoose Warbaahinta gudaha ugu sheegay inay xabsiga soo dhigeen Fannaanka Cabdi Dhaanto.

Wararka ayaa sheegaya in Fannaanka lagu haysto muuqaal uu maalmo ka hor barraha bulshada soo geliyay, kaasoo uu ku sheegaayay Fannaankii kale ee Hay'adda NISA soo xirtay in lagu khasbay inuu sheegto in uu ka tirsan yahay Al Shabaab.

Hadalhayn badan ayaa ka dhalatay muuqaalkii uu Abshir Gaarane ka soo muuqday toddobaadkii hore, kuna qirtay xubinimadiisa Ururka Al Shabaab.

Faallooyin