Afar musharax oo shuruudo ku xiray ka qaybgalka doorashada Galmudug

Afar ka mida musharaxiinta kuwooda lagu sheego inay ugu cadcad yihiin doorashada Galmudug ayaa waxay shuruudo ku xireen doorashada markii ugu horeysay lagu wado in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb.

Musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere), Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Kamaal Daahir Guutaale ayaa waxay weli ka goys-adeegayan ka qaybgalka doorashada.

Ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay ka soo saareen shan qodob marka la fuliyo, inay ka qaybgeli doonaan doorashada ay qaban qaabadeedu leedahay Dowladda Federaalka.

Shuruudahooda ayaana kala ah:-

1- In la xaliyo dhamaan muaranada jira ee u dhaxeeya saamilayda Siyaasadda Galmudug.
2- In Ahlusunna Wal-Jamaaca ay qayb ka noqoto qaybaha dhiman ee doorashada.

3- In la baabi’yo guddiga doorashada Madaxwaynaha ee hadda jira iyo in la isukeeno saamilayda siyaasadeed laguna heshiiyo waqtiga doorashada.
4- In guddoonka blBaarlamaanka uu xildhibaanada u ogolaado in ay si xor ah ula kulmi karaan musharixiinta Madaxwaynaha iyadoo aanay jirin wax cadaadis ah ama hanjabaad ah.

5- In Doorashadu noqoto xor iyo xalaal, isla-markaana gacan saddexaad ay goobjoog Ka noqoto.

Faallooyin