Ahlu Sunna oo sheegtay inay dooneyso xilal sare oo Galmudug ay ka qabato

Madaxda Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay ahmiyad u leedahay xilal sare oo ay mar labaad ka qabtaan maamulka lagu wado in loo dhiso dadka reer Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka dhawaajiyay in Ahlu Sunna ay ka mid tahay dadka Soomaaliyeed, kuwooda hamiga ka leh inay qabtaan xilalka ugu sareeya ee Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna ayaa yiri “Waxaan ka dooneynaa waxaa waaye umadda Soomaaliyeed ee Galmudug ku adkeysataa ee hamigana u leh inaan ka mid nahay, dadka ugu xaqa lahaa ka mid nahay. Waxaan rabnaa inaan deegaanka u ilaalino sidii aan u ilaalineynay, wixii mabaadii’ anaguna ka qabno waa midda aan umadda ku difaaceyno.”

“Galmudug inaan jego ka qabano oo Madaxweyne aan ka noqono, oo Madaxweyne Kuxigeen aan ka noqono, Guddoon Baarlamaan ka noqono intaba waan ka soo heynay, munaasabad ayayna noo yihiin inaan ka qabano, hadana waan dooneynaa intii aan ka helno inaan ka qabano.”

“Dadka kale ee Galmudug-na intii ay ka qaban karaan inay ka qabtaan, sidaasina lagu mideeyo Galmudug, waana midda aan u sabcineyno.”

Sheekh Shaakir oo la hadlay VOA ayaa tilmaamay in Ahlu Sunna ay dooneyso in la dhiso maamul ay u dhan yihiin dadka reer Galmudug, hase ahaatee aanay taasi wadadeedii haynin Dowladda Federaalka.

Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay taageereyso shakhsiyaad gaar ah, oo ay la dooneyso inay madax ka noqdaan maamulka cusub ee Galmudug.

Saamileyda siyaasadda Galmudug ayaa si xoogan uga horyimid dadaalada ay dowladdu ku dooneyso inay ku soo dhisto Galmudug-ta cusub.

Faallooyin