Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo gaaray dalka Eritrea (SAWIRRO)

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiyam Abiy Ahmed, ayaa gelinkii dambe ee maalintii Axada gaaray Magaalada Asmara ee Xarunta Wadanka Eritrea.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka amba baxay Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Asmara ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea.

Barta uu Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ku leeyahay Twitter-ka ayaa qoraal la soo dhigay lagu sheegay in Ra'iisal Wasaaruhu uu gaaray Magaalada Asmara, ka dib markii uu casuumaad ka helay Isaias Afwerki, Madaxweynaha Eritrea.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Abiy Ahmed, Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya uu kulan saddex geesood ah Magaalada Asmara kula yeelan doono Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Eritrea.

Qoraalkan mid ka sii horeeyay ayuu Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed ku sheegay in kulankaasi ay uga wada hadli doonaan arrimo badan.

Faallooyin