Shabaab oo caawa weerar culus ku qaaday Magaalada Marka

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa caawa weerar culus ku qaaday xero ku taala Magaalada Marka, oo ay degan yihiin Ciidamada Dowladda Somaliya.

Dagaalka ayaa ku bilowday qarax si weyn looga maqlay xaafadaha magaalada, waxaana xigay weerar toos ahaa oo Shabaabku ku qaadeen xerada Ciidamada Dowladda.

Dadka ku dhaqan Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka ayaa soo sheegaya in rasaas xoogan ay ka dhaceyso aagga uu dagaalku ka socdo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, oo weli ka sii soconayo Magaalada Marka, iyadoo dhanka kale uu baqdin ku beeray dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somaliya ayaa gurmad ahaan ugu baxay xerada Ciidamada Dowladda ee la weeraray.

La soco wixii ku soo kordha.

Faallooyin