Garabka Madaxweyne Xaaf oo shaaciyay liiska Xildhibaanada Baarlamanka

Guddiga Doorashada Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa caawa soo saaray liis ay ku qoran yihiin Xildhibaano, ay ku sheegeen inay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Guddiga Doorashada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay, ka dib dadaalo ay Odayaasha Dhaqanka u galeen soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ay suurta-gashay in la soo gudbiyo qayb ka mida Xildhibaanadaasi.

Liiskan ayaa waxaa ku qoran magacyada 68 xubnood oo sida ay sheegeen Guddiga ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Madaxweynaha weli talada haya ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa horaantii bishan ka horyimid dhabaha ay dowladda u mareyso dhismaha Galmudug-ta lagu dhisayo Magaalada Dhuusamareeb.

Khilaaf xoogan oo wiiqay geedi-socodka Galmudug loo dhan ah ayaa horseeday wado ay Galmudug ku yeelanayso laba maamul.

Faallooyin