Gudoomiye Mursal oo qaabilay wafdi ka socday UNDP (SAWIRRO)

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Hay'adda Arrimaha Horumarinta U Qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNDP.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulankan la yeeshay Kuxigeenka Wakiilka UNDP ee Somaliya, iyadoo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Golaha Shacabka iyo Hay’adda UNDP.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay, sidii loo dardargelin lahaa wadashaqaynta labada dhinac.

Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobey ayaa kamid ah hay’adaha taageera Dowladda Somaliya, iyadoona fulisa mashaariic badan oo dhanka horumarinta ah.

Faallooyin