Wasiir Beyle oo ka hadlay mashruucii uu R/W Khayre joojiyay

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa maanta ka hadlay mashruucii uu shalay joojiyay Ra'iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Wasiirka oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in mashruuca nmarka hore loogu talo galay inay ka wada qayb qaatan shanta Maamul Goboleed ee dalka ka dhisan iyo Gobolka Banaadir, ha yeeshee markii ay saxiixeen kadib cabashooyin laga keenay, isla-markaana go’aan lagu gaaray in la joojiyo mashruucaas, oo ku kacaayay 112 milyan oo Dollar.

Mashruucan ayaa lagu sheegay mid lagu horumarinayo Magaalo Madaxda Maamul Goboleedyada, sida Baydhabo, Kismaayo, Muqdisho iyo Garowe, tiiyoo ay ka maqan yihiin Magaalo Madaxda Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ee Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa xusay in mashruuca dib u eegis lagu samayn doono, isla-markaana dhammaan ay ka wada qaybgeli doonaan Dowlad Goboleedyada iyo cid kasta oo shaqo leh.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa amar ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in dib u eegis lagu samayn doono mashruucan.

Faallooyin