Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray Dekeda Boosaaso (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa uu kormeeray Dekeda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sabtidii soo kormeeray qaybaha kala duwan ee Dekeda Magaalada Boosaaso, isagoo soo indha indheeyay sida ay halkaasi shaqada uga socoto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale warbixino ka dhageystay masuuliyiinta ka hawlgala Dekeda Boosaaso, iyadoona uu booriyay sida hufan ee ay waajibaadkooda u gutaan.

Madaxweyne Madoobe ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kale Madaxweyne Madoobe iyo masuuliyiintii la socotay ayaa kormeer kale ku bixiyay Xarunta Taliska Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso, xilli uu u kuur-gelaayay sida ay hawluhu uga socdaan.

Kormeerkan ayaa waxaa lagu sheegay mid khibrad wadaag ah, oo labada dhinac ay isaga kaashanayan xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Faallooyin