Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo la kulmay musharaxiinta qaarkood

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Cabdullaahi Xersi Maxamed iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Faadumo Cabdi Cali ayaa musharaxiinta ku qaabilay hoyga ay ka degan yihiin Magaalada Muqdisho.

Afarta musharax ee kulankan ka soo muuqay ayaa waxaa ka mida Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Wehliye Faarax iyo Kamaal Daahir Guutaale.

Musharaxiintan ayaa marka hore Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ugu hambalyeeyay guushii ay Jimcihii ka gaareen doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay qaban-qaabada iyo u diyaargarowga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, oo dhawaan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb.

Kulankan ayaa yimid, ka dib markii ay saddex ka mida musharaxiintan ay codsadeen in dib doorashada loo dhigo muddo kow iyo labaatan cisho ah, iyagoona sababta ku sheegay inay fursad u waayeen la kulanka Xildhibaanada wax dooraneysa.

Faallooyin