Khayre oo hakiyay mashruuc maanta lagu saxiixay Magaalada Muqdisho

Amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wsaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay maanta kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad Goboleedyada.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu samayn doono mashruuca, waxaana laga qaybgelin doonnaa dhammaan Dowlad Goboleedyada.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo Wasiirka Maaliyadda XFS, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ay maanta si wadajir ah u wada saxiixdeen heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Garowe.

Faallooyin