Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Faadumo Cabdi Cali ayaa waxay galabta ku guuleysatay kursiga Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Doorashada Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaan Faadumo Cabdi Cali ayaa waxay tartanka kaga adkaatay Xildhibaan Axmed Maxamed Maalin, iyadoo heshay 47 cod, halka Maalin uu helay 41 cod, waxaana xumaaday 1 cod.

Faadumo Cabdi Cali oo ah gabar dhalinyaro ah oo dalka Ingiriiska ka timid ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kaga mahadcelisay sida ay kalsoonida u siiyeen.

Doorashadan ayaa waxaa ka sii horeysay laba doorasho oo kale, kuwaa oo lagu soo kala doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Xersi Maxamed, oo loo doortay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Maxamed Nuur Gacal ayaa tartanka kaga adkaaday Cabdinaasir Aadan Cismaan, halka Cabdullaahi Xersi Maxamed uu ka adkaaday Saadaq Sheekh Yuusuf.

Faallooyin