Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo loo doortay Cabdullaahi Xersi Maxamed

Cabdullaahi Xersi Maxamed ayaa waxaa uu noqday Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Cabdullaahi Xersi Maxamed ayaa wuxuu ka guuleystay Sadaq Sheekh Yuusuf oo kula tartamaayay booska Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa hadda la guda gelaya Doorashada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug, taasoo ay u sharaxan yihiin laba xubnood.

Mar sii horeysay ayay Xildhibaanada Galmudug waxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug u doorteen Maxamed Nuur Gacal, oo doorashada kaga adkaaday Cabdinaasir Aadan Cismaan.

Faallooyin