Maxamed Nuur Gacal oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa maanta oo Jimca ah lagu qabtay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug oo ay ku tartameen laba musharax.

Doorashada oo aad u kululeyd ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal & Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan, waxaana Gudoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee Galmudug loo doortay Xildhibaan Dr. Maxamed Nuur Gacal.

Ka hor doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa tartanka isaga harey Cabdullaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyay in Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod halka Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod, hal cod ayaa halaabey, waxaana codeeyay 89 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Daqiiqadaha soo socda  ayaa waxaa la guda geli doonaa Doorashada Gudoomiye Kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ku tartami doonana min laba musharax.

Faallooyin