Xildhibaanada Galmudug oo maanta dooranaya Guddoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxay maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ku dooran doonaan Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wadaa inay kala xushaan musharaxiinta u kala sharaxan kuraasta Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u taagan saddex musharax, iyadoo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ay u sharaxan yihiin laba xubnood, halka laba kalena ay u taagan yihiin jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Waxaa xusid mudan in mid ka mid ah musharaxiintan ay haweeney tahay, taasoo u taagan jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka, waana haweeneyda keliya ee isa soo sharaxday. Faadumo Cabdi Cali ayaana ka rajeynaysa inay soo doortaan Xildhibaanada.

Haddii ay maanta Magaalada Dhuusamareeb marti-geliso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa waxay noqoneysaa markii ugu horeysay, oo magaaladaasi lagu qabto doorasho ceykani oo kale ah.

Faallooyin