Kulamo caawa ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay caawa ka socdaan kulamo siyaasadeed.

Kulamadan ayaa waxaa magaalada ka wada musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Musharaxiinta ayaa waxay kulamadaan la qaadanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Galmudug, iyadoo musharax kasta uu juhdi ku bixianayo, sidii ay Xildhibaanada u soo dooran laheyd.

Saddex musharax ayaa u taagan jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo kursiga Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ay ku tartami doonaan laba musharax, halka ay laba kale ku tartamayaan Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa la soo geba-gabeeyay khudbadihii ay musharaxiinta u jeedinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyadoo musharax kasta uu khudbadiisa ku soo bandhigay taariikhdiisa iyo barnaamijkiisa waxqabadka, marka la doorto.

Waxaa xusid mudan in mid ka mid ah musharaxiintan ay haweeney tahay, taasoo u taagan jegada Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, waana haweeneyda keliya ee isa soo sharaxday.

Jimcaha berrito ah ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Dhuusamareeb ka qabsoomto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Faallooyin