Mareykanka oo duqayn ka fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka ayaa weerar dhinaca cirka ka fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Kuunyo Barrow.

Duqayntan oo dhacday gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Telefishinka Qaranka ayaa goor dhow ku waramay "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16 January duqayn cirka ah ka fuliyay deegaan 25km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabellaha hoose, halkaas oo ay ciidanku ku dileen laba ka tirsan argagixisada Al Shabaab. War ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa horjooge-yaal cadawga ka tirsan, isla-markaana intii hawlgalkaasi socday aan wax khasaare ahi ka soo gaarin dadka shacabka ah."

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka soconaya guluf militari oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, oo dagaal kula jira Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Faallooyin