Ciidanka Danab oo saaka gudaha ugu jira xaafado ka mida Toora Toora

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa saaka isu fidiyay xaafado ka mid ah deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona ay hawlgal amni xaqiijin ka wadaan.

Wararka laga helayo deegaanka Toora Toorow ayaa sheegaya in Ciidanka Danab ay gudaha ugu jiraan qaybo ka mid ah Toora Toorow, isla-markaana ay baaritaan guri guri ah ka wadaan.

Iyadoo la ogyahay in Al Shabaab ay muddo dheer ka arrimineysay deegaankaasi ayaa waxay hadana ciidanku ka feejigan yihiin in gudaha deegaankaasi ay iska soo abaabulaan xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab.

Baaritaanka ayaa waxaa qayb ka ah mid deegaankaasi looga baadi-goobayo haraadiga maleeshiyada Al Shabaab iyo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa, haddii ay hub iyo qaraxyaba uga taggeen halkaasi.

Dhanka kale Ciidanka Danab ayaa saacadihii ugu dambeeyay deegaankaasi ka samaystay fariisimo muhiim ah, oo looga hortaggaayo weerar ay ku soo qaadaan maleeshiyada Al Shabaab. Ciidanka ayaana labada cirif ee Toora Toorow ka qotay dhufeysyo.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) ayaa sheegay inaanay Ciidanka Danab dib uga soo bixi doonin deegaanka Toora Toorow, oo shalay laga saaray Al Shabaab

Al Shabaab ayaan ka hadlin gulufka ciidan ee looga saaray deegaanka Toora Toorow, oo sanadihii ugu dambeysay ay maamuleysay.

Faallooyin