Nin dhagool ahaa oo lagu dilay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu dilay nin dhagool ahaa, oo laga garanaayay Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Cabdiraxmaan Siigaale) ayaa waxaa dilay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyadoona uu dilkiisu ka dhacay xaafadda Horseed.

Askariga ayaa ka mid ahaa ciidamo hawlgal ka waday xaafadda Horseed, gaar ahaan wadada dheer ee dhex marta xaafadaasi.

Ciidamada ayaa ku amray darawalka mooto bajaaj uu saarnaa marxuumka inuu istaago, balse waxaa la soo sheegaya inaanu maqlin amarkii ciidamada, taasoo keentay in askarigaasi uu rasaas oodda kaga qaado mooto bajaajtaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in darawalka uu ka badbaaday rasaastaasi, hase ahaatee ay haleeshay Cabdiraxmaan Sigaale oo rakaab ahaan u saarnaa bajaajtaasi. Siigaale oo dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka guud ee Dhuusamareeb ayaa markii dambe ugu geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaastaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaan ka hadlin dhacdadaasi, sidoo kalena waxaan la garanayn in gacanta lagu hayo askargii dilka gaystay iyo in kale.

Tan iyo markii ay Ciidamada Dowladda la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa magaalada ku soo batay dilalka.

Faallooyin