RW Khayre oo qaabilay wafdi Ka Socda Hay’adda WHO (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo socdaal shaqo ku yimid dalka.

Agaasimaha caafimaadka loo dhanyahay, Dr. Peter Salama iyo Waliilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik ayaa hoggaamiyay wafdiga.

Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweynta ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay hellaan caafimaad loo dhanyahay.

Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada, Foosiyo Abiikar Nuur ayaa goobjoog ka ahayd kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.

Faallooyin