Shabaab oo kordhiyay dadka ay fagaaraha ku toogtaan

Ururka Al Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay toogashada ay ka fuliyaan fagaare-yaasha ku yaala dhulka ay maamulaan.

Saddexdii bilood ee ugu dambeysay ayay Shababaku toogteen in ka badan 15 qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo iyo inay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Somaliya.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Axadii waxay fagaare ku yaala Degmada Sablaale ee Gobolka Shabellaha Hoose ku toogteen afar qof oo siyaabo kala duwan ay u soo eedeeyeen.

Afarta nin ee fagaarahan lagu toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Faarax Maxamad (Gambiye), Xasan Cismaan Cali (Abayle), Xuseen Xasan Geelle iyo Ayuub Xasan Buraale.

Saddex ka mid ah raggan ayay Al Shabaab sheegtay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowlada, halka midka kalena ay sheegeen inuu la shaqayn jiray maamulkii hore ee Degmada Kunturwaarey.

Warbaahinta Dowladda ayaa waxay sheegtay in ragga lagu toogtay fagaaraha ku yaala Degmada Sablaale ay dhammaantood ahaayeen dad beeraley ah.

Ciidamada sida booliska u tababaran ee Xisbiyada Al Shabaab ayaa inta badan ku caan baxay inay fuliyan dilalka toogashada iyo xukunada kale, ee ay maxkamadahoodu ku ridaan dadka ay eedeynayan.

Faallooyin