SAWIRRO: Wasiirka Gaashaandhigga iyo Kuxigeenkiisa oo hortagey Aqalka Sare

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga, Xassan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Kuxigeenkiisa Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa waxay maanta hortaggeen Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Kulanka 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare, oo uu shir guddoominayay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayuu ajandihiis ahaa akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Gudoomiyaha Guddiga Difaaca & Amniga Golaha Aqalka Sare, Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay golaha warbixinta akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedkan.

Senatorada Aqalka Sare ayaa intaasi ka dib bilaabay inay dood ka yeeshaan Hindise Sharciyeedkan, iyagoona doodo ka jeediyay fadhigii maanta

Senatorada ayaa doodahooda ku muujiyay waxa lagu soo kordhin karo Hindise Sharciyeed iyo sida loo sixi karo, haddiiba uu khaladaad ku jiro.

Golaha Aqalka Sare ayaa sii wadi doono doodahooda ku aadan Hindise Sharciyeedka Hawlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, kulamdooda soo socdo.

Faallooyin