Farmaajo oo dalka Cuman kaga qaybgalaya tacsi qaran

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u amba baxay dalka Cuman.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliya oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada Muscat kaga qaybgalaya tacsida geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Saciid bin Taymuur, oo dalkaasi ka arriminayay muddo dheer.

Madaxweynaha Somaliya ayaa lagu wadaa in muddada uu jooggo halkaasi inuu ka qaybgalo baroordiiqda iyo tacsida loo sameeynayo Suldaanka geeriyooday.

Dalalka Somaliya iyo Cuman ayaa leh xiriir soo jireen ah, oo ku dhisan taariikh walaalnimo iyo wax wada qabsi.

Faallooyin