Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo laga saaray Toora Toorow (SAWIRRO)

Waxay faah faahin ka soo baxaysaa hawlgal ballaaran oo maanta maleeshiyada Al Shabaab looga saaray deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xoogaga Danab oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka soo dhaqaaqay Garoonka Balli-doogle ayaa maanta si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Toora Toorow, xilli aanay wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxday halkaasi, intii aanay soo gaarin Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Ciidanka oo hawlgal ballaaran ka sameeyay deegaankaasi ayaa waxaa la soo sheegaya in ay ku soo qab qabteen tiro dad ah, oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.

Warbaahinta Qaranka ayaa waxay goor dhow tebisay in Ciidanka Danab ay gacanta ku soo dhigeen Saraakiil ka tirsanaa Maxkamaddii Al Shabaab ee deegaanka Toora Toorow.

Wararka galabta laga helayo Toora Toorow ayaa sheegaya in xaaladda deegaankaasi ay tahay mid degan.


Faallooyin